WHO oo ku dhowaaqday xaalad Caafimaad oo deg deg ah.

0
155

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqtay Xaalad deg deg ah oo Caafimaad, taasi oo la xiriirta faafida xowliga ah ee Cudurka Furuqa-daanyeerka, marka la eego kiisaska iyo dalalka laga arkay.

In ka badan 16,000 oo keys ayaa lagu arkay 75 dal, sida uu sheegay agaasimaha guud ee who Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Isaga oo sii hadlaya Dr Tedros ayaa waxaa uu sheegay in xanuunka Furuqa-daanyeerka ay ilaa hadda u geeriyoodeen shan ruux.

Digniinta ay soo saartay Hay’adda WHO ayaa timid markii uu dhammaaday kulankii labaad oo ay yeesheen guddiga gurmadka degdegga ah ee WHO oo ku saabsanaa cudurka.