Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Barnaamijka Cunnada Adduunka Qaramada Midoobay WFP ayaa sheegtay in aysan gaarsiin karin bartilmaameedkeediii maalin laha ahaa ee 2,000 oo gargaar ah ay gasho Qaza, sababtuna ay tahay in aysan jirin marinno xuduudka oo ku filan oo furan.
Afhayeen u hadashay hay’adda Abeer Etefa ayaa sheegtay in kali ah laba marin oo xuduuda ah ay shaqaynayaan, isla markaasna aysan jirin wax marin ah oo loo maro Waqooyiga Qaza oo ay macaluul darani ay ka jirto.
Waxa ay ugu baaqday in dhammaan marinnada kale la furo . Etefa ayaa sheegtay in WFP ay hadda gaarsiiso Qaza qiyaastii 750 tan oo cunto ah maalinkii.
Dhankiisa madaxweyne ku xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa gaaray Israa’iil isaga oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo heshiiska xabbad joojinta Qaza.






