Wasiiru dowlaha maaliyadda XFS oo dalka Masar kaga qeyb galay shir muhiim ah+Sawirro

0
154

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiiru-Dowlaha Maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galay shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka oo lagu qabtay magaalada Sharma El-Sheikh ee dalka  Masar.

Mudane Maxamuud Xayir Ibrahim, Wasiiru-Dowlaha Maaliyadda oo hadal kooban ka jeediyay Shirka loo dhan yahay ee Wasiirada Maaliyadda dalalka xubnaha ka ah Bangiga ayaa diiradda saaray sidii wax looga qaban lahaa abaaraha Soomaaliya iyo taageerada maaliyadeed ee deeq bixiyeyaasha caalamka.

Dhinaca kale, wasiirku waxa uu kulamo gaar ah la qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta iyo ku-xigeenkiisa oo uu kala hadlay sidii Bangigu uu usii wadi lahaa taageerada Soomaaliya iyo mashaariicaha horumarineed ee dalka ka socda.