Wasiirka wasaaradda waxbarashada oo soo saaray xeerka ansixinta iyo dhaqan-galka Buugaagta manhajka qaranka.

0
185

Muqdisho:(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta saree ee xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa Waxaan maanta soo saartay Xeerka ansixinta iyo dhaqan-galka Buugaagta Manhajka Qaranka ee Dugsiga Sare oo ay qasab tahay in sannad-dugsiyeedkan lagu dhigo dhammaan dugsiyada dalka.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare e e dalka Cabdullaahi goodax Barre oo bartiisa facebok ku daabacay warkaan ayaa qasab looga dhigay in dhammaan dugsiyadda sare ee dalka in manjahkaan ay dhaqan galiiyaan sanad dugsiyeedkaan .

“Waxaan maanta soo saaray Xeerka ansixinta iyo dhaqan-galka Buugaagta Manhajka Qaranka ee Dugsiga Sare oo ay qasab tahay in sannad-dugsiyeedkan lagu dhigo dhammaan dugsiyada dalka ayaa lagu yiri qaraalkaan kasoo baxay wasiir goodax Barre.