Wasiirka Wasaaradda Haweenka Jubbaland oo kormeer ku tagtay Isbitaalka Deegaanka Goobwayn.

0
256

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaradda Hawenka, Arimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland Marwo Cadar Ismaaciil Juraati ayaa boqasho ku tagtay Isbitaalka guud ee Deegaanka Goobwayn ee Gobolka Jubada Hoose, socdalka Wasiirka oo ujeedkisa ahaa inay u kuur gasho sida uu Isbitaalku ugu adego bulshada ku nool Deegaanka Goobwayn iyo dadkii dhawaan so dagay Deeganada ku teedsan Goobwayn kuwasi oo u badan Haween iyo carur kaso barakacay abaarta ka jirta Deeganada Jubbaland.

Agaasimaha Isbitaalka guud ee Deegaanka Goobwayn Siyaad Sulayman Cumar ayaa Wasiirka uga warbixiyay adegyada ay uqabtaan bulshada kala duwan ee Isbitaalka dawada uso raadsada.

Wasirka Haweenka Arimaha qoyska iyo xuququl insaanka Jubbaland Marwo Cadar Ismaciil Juuraati ayaa kawarbixisay ujeedka kormeerka ay ku tagtay Isbitaalka guud ee Deegaanka Goobwayn.

Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa kawarameysa