Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah la qaatay Madaxda Bangiga Horumarinta Afrika.

0
60

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa shir muhiim ah magaalada Nirobi kula yeeshay Madax ka socotay Bangiga Horumarinta Afrika.

Shirkaasi oo ka dhacay xarunta Bangiga Horumarinta Afrika ee Dalka Kenya ayaa waxaa labada dhinac ay uga wada hadleen socodsiinta mashaariicda wax ku oolka ah ee ay isla wadaan Wasaarada Howlaha Guud iyo Bangigga Horumarinta Afrika.

Shirkaasi waxaa si gaar ah looga hadlay xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Wasaaradda iyo bangiga horumarinta Afrika ,iyadoo diiradda lagu saaray mashruuca dhismaha waddooyinka ee isku xira gobolada dalka

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa u mahadceliyey madaxda Bangiga Horumarinta Afrika, isagoo bogaadiyay dadaallada ay ugu jiraan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib u dhiska dalka.