Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Abaartu waxa ay kamid tahay musiibooyinka dabiiciga ah ee koonkan dushiisa sida jogtada ah uga dhaca .Marka aynu somaaliya ka hadlayno xaaladu waa ay ka duwan tahay badi dalalka kale Waxaa marar badan kusoo noqnoqotay abaaro caan baxay oo saamayn baaxad leh reebay.
Abaaraha ugu caansan ee inta taarikhda ah la ogyahay so maray guud ahaan gayiga somaliyeed waxaa kamid ah abaartii daba dheer oo 1974 ilaa 1975 ku dhufatay guud ahaan somaliya.abaartii 2011 iyo abartii la magac baxday siman oo dhacday 2015, abaarahas iyo kuwo kale ayaa dhamantoda galaafta dad iyo dunyo faro badan.
Dowlad goboleedka jubbaland oo ah goobaha ay abaartu ku habsatay oo aan warbixinteenan diirada ku saarayno waxaa bilooyinkii ugu dambeyay laga daremayay saamaynta abaar aad u daran taas oo ay ku xoolo waayeen umada somaliyeed ee ku nool guud ahaan jubbaland.
Wasirka gargaarka iyo maaraynta musiiboyinka jubbaland cabdirahmn cabdi ahmed ayaa warbaahinta uga warbixiyay Waxyabihii u qabsomay mudadii ay ka shaqenayeen halwaha gurmadka ah ee lagu badbaadinayay maatada tabaalaysan ee abaaraha kasoo barakacay iyo qorshayaasha u dagsan si shaqada adag loo dhamaystiro madama ay abaartu tahay mid aan wali faro ka qodnayn.
Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan ku eegeysa