Wasiirka Beeraha oo qalab ku wareejiyay qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada dalka “SAWIRRO”

0
151

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Midowga Yurub iyo hay’adda FAO ayaa qalab loogu talogalay beeraleyda ku wareejisay qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka.

Qalab  isugu jira Baabuur, mootootin iyo cagaf cagaf loogu talogalay In lagu taageero beeraleyda ayey Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaliya ku wareejisay Wasiirada Beeraha ee Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland si loogu horumariyo beeraleyda Soomaaliyeed oo aad uga baahan si ay u kordhiyaan wax soo saarkooda.

Barnaamijkan oo ah wejiga labaad ee mashruuca horumarinta silsiladda qiimaha Beeraha oo ay maalgelisay Midowga Yurub, isla markaana ay fulisay FAO ayaa hadafkiisu yahay horumarinta iyo garab istaaga beeraleyda iyo kordhinta wax soo saarka dalka.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa xusay in la wareegida qalabkan ay qeyb ka tahay mashaariic la xiriira oo lagu horumarinayo Beeraha.

Wasiirada Beeraha Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa dhankooda ka mahadceliyay qalabka la guddoonsiiyay oo ay  tilmaameen in ay gaarsiin doonaan Beeraleyda ugu haboon.

Mudane Saciid Xuseen Ciid Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ugu dambeyn qalabka ku waraajiyay xubnaha ka socday maamul goboleedyada ayaa ku booriyay Inay uga faa’iideeyaan Beeraleyda si wax soo saarkooda loogu horumariyo.