Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Agaasime goboleedka UNHCR.

0
32

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Agaasime goboleedka Bariga iyo Geeska Afrika iyo Harooyinka waa weyn ee Hay’adda Qaramada Midoobey ee Qaxootiga (UNHCR), Mamadou Dian Balde.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga, si gaar ah wax ka qabashada caqabadaha ka yimaada arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha, kor-u-qaadidda taageeridda dadka ku soo guryo noqonaya dalka, barakacayaasha iyo xalalka waara.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray muhiimadda ay leedahay isku dubaridka dadaallada lagu hagaajinayo helitaanka adeegyada lagama-maarmaanka u ah ee bulshooyinka barakacay, oo ay ka mid yihiin waxbarashada, caafimaadka, iyo fursadaha maaraynta nololeed, iyadoo xoogga la saarayo baahida loo qabo kordhinta taageerrada caalamiga ee wax ka qabashada si wax ku ool ah baahiyaha bini’aadantinimo.