Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa Jubbaland Maxamed Nuur Cali iyo Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS ayaa si wada jir ah koormeer ugu tagay maxjarka Weyn ee Magaalada Kismaayo.
kormeerkan ayaa daarnaa indho indheyn ay ku sameynayeen Sheybaarka Maxjarka.
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa Jubbaland Maxamed Nuur Cali oo markii uu kormeerku soo dhamaaday Warbaahinta la hadlay ayaa Sheegay in Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jubbaland ay diyaar u tahay in Ganacsatada Soomaaliyeed ay u fududeyso Dhoofsashada Xoolaha nool.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa fah-faahinaya