Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka iskaashiga islaamka (OIC) oo ay ku mideysan yihiin 57-dal oo Muslimiin ah ayaa maanta oo Talaado ah shir uga furmay magaalada Islamabad ee caasimadda dalka Pakistan.
Munaasabadan oo socon doonta muddo labo maalmood ah ayaa halku dhig looga dhigay, iskaashiga Midnimada, Cadaaladda iyo Horumarka.
Furitaankii shirka ayaa waxaa khudbad ka jeediyay wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Shah Mahmood Qureshi,isagoo sheegay in ururka OIC uu yahay codka wadajirka ah ee ku dhawaad 2 bilyan oo Muslimiin ah, isla markaana uu yahay buundo dhexmarta wadamada Muslimiinta iyo dunida Muslimka iyo beesha caalamka.
Wasiirka ayaa Wuxuu soo dhaweeyay u astaynta 15-ka Maarso inay tahay “Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaalanka Islaam nacaybka” ee Qaramada Midoobay.
Isaga oo ka hadlaya dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, Qureshi waxa uu sheegay in iska horimaadku uu dib u kiciyey xiisadihii Bariga iyo Galbeedka, uuna khatar ku yahay nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.