Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka gargaarka iyo mareynta musiiboyinka Jubbaland Cabdiraxman Cabdi Axmed oo ay waheliyaan Wasiirka Wasaaraadda cadaalad owqaafta iyo arimaaha diinta Jubbaland Maxamed Yuusuf Cumar iyo wasiirka Xanaanada xoolah dhiirta iyo daaqa Jubbaland Maxamed Nuur Cali iyo Aagsimayaal ayaa deeq gar gaar ah garsiiyey dadka ku nool Deegaanka Turqute ee duleedka Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbad Hoose.
Shacabka ku nool Deegaanka Turqute ayaa siweyn uu so dhaweyeey wafdigan ka socdey qaar kamid ah wasaaradaha Jubbaland iyagona kulamo gaar ah la qaatey.
Cabdiraxman Cabdi Axmed Wasiirka Wasaaradda gargaarka iyo mareynta musibooyinka Jubbaland oo warbahinta la hadley ayaa kawarbixiyay u jeedka socdalkooda iyo waxa uu quseyay.
Naxwo Axmed Kadiye.ayaa kawaramaysa