Dhoobley(Radio Sanguuni)– Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 24 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 15, Puntland 6 iyo Gobolka Benaadir 3 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,779
Bukaannada cusub18 kamid ah waa rag, halka 6 ay yihiin Dumar. 24-kii saac ee ugu dambeeyay waxaa Cudurka u geeriyooday laba qof, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 90 qof.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.