Wasaarada xanaanada xoolaha jubbaland oo xoolo u qeybisay qaar kamid ah dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool deegaanka dhoobley

0
189

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasaarada xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa dowlad goboleedka jubbaland oo howlo shaqo ka waday deegaanka dhoobley ayaa iyadoo kaa shanaysa qar kamid ah  hay’adaha ka hawl gala dhoobley ayey adhi tiradiisu dhan tahay 750 neef u qeybisay qaar kamid ah dadkii ay abaartu saamaysay, Wasiirka xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa dowlad goboleedka jubbaland mudane maxamed nuuraani ayaana gudoon siiyay qoysaska ay abaartu saamaysay

Goobta lagu qaybinayay adhiga waxaa  ka soo qayb galay maamulka dhoobley iyo mas’uuliyiin kale waxaana ugu horeyn meesha si wada jir ah uga hadlay madaxa fayo dhowrka Dr maxamed xiirey iyo gudoomiyaha deegaanka dhoobley siyaad maxamed xasan waxayna bogaadiyeen mashaariicda taakulaynta ah ee wasaaradda xanaanada xoolaha kawado deegaanka dhoobley.

Khadar Axmed Salaan ayaa ka warramaya