Warbixin:-Wiil dhalinyaro ah oo ku nool Deegaanka Dhoobley oo u istaagay soo nooleynta sugaanta Soomaaliyeed gaar ahaan gabayada.

0
426

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Suugaanta Soomaalida waa qeyb ka mid ah dhaqanka Soomaalida, gaar ahaan fanka iyo suugaanta u khaaska ah dadka Soomaalida ah meel kasta oo dunida kaga dhaqan yihiin. Suugaanta Soomaalida waxaa loo kala saaraa noocyo badan oo ay kamid yihiin gabayga, geeraarka, heesaha, ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo noocyo badan oo kale.

Maxamed Axmed Maxamed (Maxamed Taani) waxa uu kamid yahay dhalinyarada ku nool Magaalada  Magaalada Dhoobley waxana u curiyaa gabayada, Dhalinyarada Deegaanka ayuu ugu baaqay in ay u istaagaan soo nooleynta Sugaanta Soomaaliyeed

Maxamed taani ayaa Idaacadda Sanguuni uga warbixiyay waxyaabaha ku dhaliyay in uu curiyo tixda iyo gabayada.

Dhanka kale Cabdifatax Xassan oo kamid ah dhalinyarada ku nool deegaanka dhoobley ayaa dhiira galiyay wiilkaasi dhalinyarada ah ee curiya suugaanta qeeybaheeda kala duwan.

Maxamed Cali Samow. ayaa ka warramaya