Warbixin:-Wax ka ogow tallaabooyinka uu Sucuudigu qaaday xajka sannadkan.

0
80

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-In ka badan 1.4 milyan oo Muslimiin ah ayaa sanadkan gudashada waajibaadka xajka u jooga magaalada barakeysan ee Maka ee dalka Sacuudiga, kaddib sannad ay ku dhinteen 1,300 oo qof, oo intooda badan kulayl u dhintay.

Maamulka Sacuudiga ayaa sheegay in ay sare u qaadeen taxadarka badqabka xujaajta. Waxay beereen kumanaan geedo ah waxayna rakibeen boqolaal qaboojiyayaal ah si ay gacan uga gaystaan yaraynta heerkulka daran ee halkaasi ka jira.

Waxa ay sidoo kale mamnuuceen carruurta ka yar 12 sano waxayna uga digeen dadka isku dayaya in ay si sharci darro ah u xajiyaan iyaga oo aan haysan ogolaansho rasmi ah in ay la kulmi doonaan ganaax dhan 5,000 oo doollar iyo ganaax 10 sano oo aanu qofku soo geli karin Sucuudiga.

Ilaa Axaddii, saraakiishu waxay sheegeen in ay ka joojiyeen in ka badan 269,000 oo qof in ay soo galaan Maka.