Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Dalkeena Soomaaliya ayaa la sheegaa in ay dhalinyarada ka yihiin 75 boqolkiiba taasi oo jirta ayay dhalinyaradu inta badan ka cowdaan shaqo la’aan iyado ay jiraan fursado badan oo ay dhalinyaradu shaqo abuur ku sameysan karaan badalkii ay shaqaalo noqon lahaayeen sida ay qabaan qaar kamid ah dhalinyarada Deegaanka Dhoobley ee Gobolka jubbada Hoose oo aan wareysi layeelanay
Dhalinyaradan ayaa ugu baaqay dhalinta Soomaaliyeed in ay la yimaadaan fikrado ganacsi oo ay noloshada wax kaga badali karaan hal abuuro cusubna ku soo kordhiyaan dalka.
Xasan Maxamed Cabdullahi ayaa ka warramaya