Warbixin:-Saameyn Caafimaad oo intee la eeg ayuu Carruurta ku yeelan karaa Raashinka Baryay ee la siiyo xiliyada Ramadanka?

0
176

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Koriinta jir ahaan iyo maskax ahaan caruurta iney waalidka ka helaan waa arin waalid kasta laga rabo inuu sameeyo hasayeeshee inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee ramadaan ayaa inta badan waxaa dhacda in caruurta aysan helin cunooyiinki qanaacaadka lahaa ee ay heli jireen inta aysanin dhalinin bisha ramadaan

Waxaa dhacda in caruurta la siiyo cuntooyiinka ka soo harta saxuurta oo quraac ahaan looga dhigo inkastoo ay jiraan waalidiin qaar oo ku baraarugsan ahmiyada ay leedahay in jadwalka maalinlaha lagu daro caruurta oo cunto tayeysan lasiiyo.

Mama fadumo cabdullahi oo kamid ah bulshada deegaanka ayaa qabta fikirka ah sida ay muhiim u tahay in caruurta cunto tayeysan.

Diktoor muse oo kamid ah dhaqatiirta ka hawl gala magalada dhoobley ayaa uga digay walidiinta ineysan siinin caruurta cuntada saxuurta ka soo harto waayo waxey daris la noqon karaan caruurta nafaqo darro iyo waxyaaba kale oo ka dhasha habka cunto ay caruurta qaar la kulmaan.

Naxwo Axmed Kadiye. ayaa warbixintan inooga diyaarisay