Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Somaalidu waxay dhaxal ahaan u leeyihiin agab lasoo isticmalayay waqtiyo badan waxayna kamid yihiin waxyaabo dhaqan ahaan so jiray qarniyo badan, balse waxaa saameeyay isbedelka Xawliga ah ay ku socoto technologiyada casriga ah.
waxaana kamid ah waxyaabahasi ashuunka faynusta iyo waxa lo yaqano madagta oo ay somalidu so isticmalayeen qarniyo balse hada umuqata mid sii dabar go aysa.
Ashuunku wuxuu qayb ka ahaa kaydka biyaha reerka ay isticmaalaan waxaana loo adeegsan jiray baahiyaha biyo ee jogtada ah ee qoyska sido kale madagtana waxay qoyska u ahayd wixii qoyska dabka loogu shidi lahaa oo loo adegsan jiray markuu qoysku dabka shidanayo iydoo faynuustana rerka u ahayd iftiinka guriga ka jira xilliga xilliga habeenkii ah.
Qaar kamid ah odayasha ku nool degaanka dhoobley ayaan waydinay saamaynta ay ku yeelatay isbadelka technologiyada isticmaalka agab dhaqameedkii somaalidu caanka ku ahyd.
Farsowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan inooga diyaariyay