Warbixin:-Maxay diinta Islaamku ka qabtaa gudniinka fircooniga?

0
594

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Gudniinkan oo ah mid caado ahaan laga yaqaano qaarka mid ah Wadamada Africa Asiya iyo qeybo kale oo caalamka ah ayaa hadana Soomaaliya waxa ay ka mid tahay wadamada sida aadka ah looga isticmaalo qaabka gabadhaha loo gudo inkastoo gobolada qaarkood ay fahmeen xag diimeed iyo mid caafimaad intaba laakin wali Wuxuu ka jiraa qaar badan oo kamid ah Gobolada Dalkeena Caado dhaqamateenka ayaa ah mid saameyno kala duwan ku reeba Haweenka.

Gudniinkan ayaa ah Caado soo jireen ah waxaana inta badan laga dhaxlaa dhibaatooyin caafimaad darro oo sababta in gabdhaha u kala dhantaalmo jirkooda waxaana hoos u dhaca miisaanka qofka.

Qaar kamid Haweenka Deegaanka Dhoobley ayaa kawarbixiyay saameynada kala duwan ee Haweenku ka dhaxlaan Caadadan soo jireenka oo ah mid dhibaato xoggan ku heysa Haween badan oo ku kala nool Dunida Dacaladeeda.

Sido kale waxaan isna dhankiisa wareysi la yeelanay Sheekh Xasan Raage oo kamid ah Culimada Magaalada Dhoobley oo aan weydiinay waxa ay Diinta Islaamku ka Qabto gudniinka fircooniga oo ah mid dhibaatoyin caafimaad oo kala duwan ay kala kulmaan Haweenka, ahna caado mudo qarniyo ay soo adegsan jireen Bulshooyin badan oo ku nol Dunida.

Maxamed Cali Samow. ayaa ka warramaya