Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ku dhowaad saddexdii qof ee ku nool Marinka Qasa mid ka mid ah ayaa maalmo aan wax cunin, barnaamijka gargaarka cuntada ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay.
“Nafaqo-xumada ayaa sii kordheysa iyadoo 90,000 oo haween iyo carruur ah ay u baahan yihiin daweyn degdeg ah,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP.
Digniinaha ku saabsan gaajada Qasa ayaa sii kordhay toddobaadkan. Sagaal qof oo kale ayaa u dhintay nafaqo darro Jimcihii, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dhulka Falastiin ee ay maamusho Xamaas – taasoo tirada guud ee dhimashada tan iyo markii uu dagaalku billowday ka dhigaysa 122.
Israa’iil oo gacanta ku haysa gelitaanka dhammaan sahayda Qasa, ayaa sheegtay in aanay jirin wax xannibaad ah oo ku aaddan in gargaarku soo galo dhulkaas, waxaanay Xamaas ku eedaysay nafaqo-xumo kasta oo jirta.
Jimcihii, ra’iisul wasaaraha UK, Sir Keir Starmer ayaa soo jeediyay in UK ay door ka qaadan doonto sidii gargaarka loogu daad gurayn lahaa Qasa ka dib markii in ka badan saddex meelood meel xubnaha baarlamaanka ay saxiixeen warqad ay ugu baaqayaan dowladda inay aqoonsato dowlad Falastiin ah.
Arrintan ayaa timid ka dib markii sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Israa’iil uu sheegay in la oggolaan karo in Qasa maalmaha soo socda hawada looga soo dejiyo gargaar – wax ay hay’adaha gargaarku horey uga digeen in ay tahay hab aan wanaagsanayn oo sahayda lagu gayn karo Qasa.