Warbixin:-Door intee la eg ayay Waaladiintu ka qaadan karaan dhiiragelinta Waxbarashada Carruurta?

0
378

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Waxbarashada waa furaha Nolosha, Aqoon la’aan waa iftiin la’aan, Dhamaan umadaha dunida ku nool waxay ku sugan yihiin xaalado aad u kala duwan oo dhanka nolosha ah , sidoo kale waxaan ognahay in dunida maanta ay u qaybsan tahay labo qayb oo waxkasta ku kala duwan ,waana dunida hormartay iyo dunida danbaysa xaqiiqda dhabta ah ee dunida u kala qaybisay sidaas ayaa ah Waxbarashada, Waxbarashaduna ay ugu kala duwan yihiin wadanba Wadankale.

Hadaba anagoo ku eegeyna warbixintan doorka ay waalidiintu ka qaadan karaan dhiiragalinta waxbarashada ubadkooda ayaa waxaan wareysi la yeelanay qaar kamid ah waalidiinta Deegaanka Dhoobley kuwaas oo aan weydiinay habka ay ugu dhiirigaliyaan Waxbarashada caruurtooda.