Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hooyooyinka Soomaaliyeed ayaa ah kuwa door muhima ka qaata dhisida mustaqbalka ubadkooda iyagoo siyabo kala duwan door muhiim ah uga qaata sidii ay martabad sare ku gaarsiin lahaayeen ubadkooda.
Waxbarashada ayaa ah furaha Nolosha, Dhamaan umadaha dunida ku nool waxay ku sugan yihiin xaalado aad u kala duwan oo dhanka nolosha ah, sidoo kale waxaan ognahay in dunida maanta ay u qaybsan tahay labo qayb oo wax kasta ku kala duwan, waana dunida hormartay iyo dunida danbaysa xaqiiqda dhabta ah ee dunida u kala qaybisay sidaas ayaa ah Waxbarashada, Waxbarashaduna ay ugu kala duwan yihiin wadanba Wadankale.
waxaan wareysi dhinacyo badan taabanaya la yeelanay qaar kamid ah hooyooyinka ku nool Magaalada Dhoobley oo aan ka wareysanay doorka ay haweenka Soomaaliyeed ka qaataan bararujinta waxbarshada ubadkoda.
Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa kawaramaysa