Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Deegaanka Dhoobley ayaa Mudooyinkii dambe sameynayay koboc xogan oo dhanka Warshadaha, dhawaan ayay aheyd markii laga hirgaliyay Magaalada Dhoobley Warshad soo saarta Biyaha Sifeysan taasi oo uuna Deegaanku horay u leyheyn Warshad soo saarta Biyaha Sifeyasan.
Dhawan ayaa la filayaa in si rasmi ah suuqyada Magalada Dhoobley u soo gasho saabuuntii ugu horeysay ee lagu sameeyo Deegaanka Dhoobley, Hadaba si aan waxbadan uga ogaano Warashadan cusub ee soo saarta Saabuunta iyo sida ay u shaqeyso ayaan waxaan wareysi la yeelanay Injineerka Warshadda Shaafici isago ka warbixiyay sida ay u shaqeyso iyo wax soo saarka Warshadda ee maalin laha iyo sida ay Deegaanka ugu filnaan doonto wax soo saarka Warshadda.
Madaxa Warashada Maxamuud Cabdi Muslim ayaa ka warbixiyay waxyabaha ku dhaliyay in Deegaanka ka hirgaliyaan Warashad soo saarta Saabuunta iyo sida ay Warshadu uga qeyb qaadan donto shaqo u sameynta Da’yarta Soomaaliyeed ee ku nol Deegaanka Dhoobley.
Ugu danbayntii waa kuwan qaar kamid ah bulshada Deegaanka oo ka hadlay sida ay u arkaan Warashadan cusub ee laga hirgaliyay Magaalada Dhoobley iyago sodhaweyay in Deegaanka laga hirgaliyo warshad soo saarta Saabuunta halka awal hore laga soo dhoofsan jiray dalka dibadiisa.
Xasan Maxamed Cabdullahi. ayaa ka warramaya