Waqtiga kama dambaysta ah oo ay Man United ku dhameystireyso heshiiska De Jong oo daaga laga rogay

0
202

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wargeyska Daily Mirror ee dalka England ayaa shaaca ka qaaday waqtiga kama dambaysta ah ay Manchester United dhameystireyso heshiiska xiddiga reer Holland iyo kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong.

Barcelona ayaa doonaysa in ay iska iibiso Frenkie de Jong si ay lacagta kaga soo xaroota ugu dhameystirto heshiisyada ay kooxda u baahan tahay iyo inay ku xakameyso miisaaniyada kooxda oo soo gaaray khasaare wayn.

Dhinaca kale, Frenkie de Jong ayaa ah bartilmaameedka ugu weyn ee Manchester United suuqa kala iibsiga ee xagaagan, tababaraha cusub, Eric Ten Hag, ayaa kula taliyay maamulka kooxda inay la soo saxiixdaan.

Wargayska ayaa warbixintiisa ku sheegay in Manchester United ay si wayn uga shaqaynayso in si rasmi ah loo dhameeyo heshiiska kahor dhammaadka bisha June, si ay kooxda u gasho olalaheeda kale ay ku xoojineyso xarumaha kale kahor bilowga xilli ciyaareedka.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Barcelona ay sidoo kale dooneyso inay si degdeg ah loo dhameystiro heshiiska, gaar ahaan ka hor bilowga bisha soo socota, sababtoo ah kooxda ayaa xiri doonta miisaaniyadeeda xilli ciyaareedkaan maalmo ka dib, waxayna u baahan tahay inay yareyso khasaaraheeda inta suurtogalka ah.

Manchester United ayaa 80 million euros u soo bandhigtay Barcelona si ay u hesho adeega De Jong, waxaana la filayaa in labada kooxood ay hore u gaareen heshiis horudhac ah, waxaana harsan oo kaliya in Red Devils shuruudaha shaqsiga ah kala heshiiso ciyaaryahanka.