Wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo gaaray Baydhabo

0
160

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdirahmaan iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay iyadoona garoonka diyaaradaha Baydhabo uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur galbeed mudane Abdiaziiz Hassan Mohamed Lafta-gareen

Guddoomiyaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda federaalka ee Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Socdaalka wafdiga ayaa ahaa ka qeyb galka Sanad guurada Labaad Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Abdiaziiz Hassan Mohamed Lafta-gareen.

Madaxweynaha koonfur galbeed oo ugu horeyn soo dhaweeyey wafdiga guddoomiyaha ayaa sheegay inu aad ugu faraxsan yahay inu wafdigaan so gaaro Baydhabo.

Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman oo soo dhaweyntiisa kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu Baydhabo u yimid ka qeyb galka munaasabadda sanad guuradda labaad ee Madaxweynaha koonfur galbeed.