Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waddooyinka Hindiya waa kuwa ugu dhimashada badan. Subax kasta, wargeysyada Hindiya waxaa ku qoran warbixino ka hadlaya shilalka wadooyinka, basas ka dhacay buuro, darawaliin saqraansan oo jiiray dad jidka socday, gawaari iyagoo taagan kuwa kale ku dhaceen iyo mooto gaari weyn uu ku dhacay.
Waxaas oo dhan waa musiibooyinka maalin kasta dhaca. 2023-kii oo kaliya waxaa wadooyinka Hindiya ku dhintay dad ka badan 172-kun. Celcelis ahaan taasi waxay u dhigantaa 475 qof in ay maalintii dhimato ama in saddexdii daqiiqo uu qof dhinto.
Inkastoo shilalka rasmiga ee 2023-kii aan weli la soo saarin, hadana wasiirka gaadiidka waxa uu sheegay in xogta ay tahay mid sawir xun bixineysa.
Sanadkaas dadka dhinatay waxaa ku jiray 10kun oo carruur ah halka 35kun ay yihiin dad jidka lugeynayay. Gaadiidka labada lug leh dad ayaa ku dhintay. Xawaaraha sare ee lagu kaxeynayo gawaarida ayaa ah waxa sababa shilalka.