Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kabtanka Chelsea ee Reece James ayaa farriin u diray taageereyaasha kooxdiisa oo uu u sheegay in uu diyaar u yahay ciyaarta adag ee Sabtida ee London Derby ee Stamford Bridge, taas oo uu tilmaamay in uu kusoo laabanayo safka naadigiisa.
Reece James ayaa ku dhaawacmay ciyaartii koowaad ee lagu furay horyaalka ee ay Liverpool ku martigeliyeen Stamford Bridge ee barbarraha kusoo dhamaatay, waxaana muddadii uu maqnaa ay kooxdiisu la dhibaatoonaysay natiijooyin murugo leh oo aanay ka filaynin taageereyaasheedu.
23 jirkan oo sannadihii u dambeeyey la daalaa-dhacayay dhaawacyo soo noqnoqday, waxa uu xilli-ciyaareedkii hore dheelay kaliya 16 ciyaarood oo dhamaan tartamada ahaa, isaga oo inta badan u jiifay dhaawac jilibka ahaa, halka dhaawaciisa u dambeeyeyna uu ahaa muruqa.
Horraantii toddobaadkan ayaa waxa soo baxay warar sheegaya, in Reece James uu dib u dhac ku yimid waqigii uu soo laaban lahaa oo aanu ciyari doonin kulanka Sabtida ee Arsenal oo illaa hadda uu shaki ku jiro, laakiin difaaca reer England ayaa waxa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada uu ku bixiyey qish la xidhiidha in uu taam yahay.
Sawir uu tababarka samaynayo, ayaa waxa uu kusoo dul-qoray: “Wax walba way fiican yihiin.”
Chelsea ayaa waxa Arbacadii shalay ay sheegtay, in ay dhaawacyo horleh soo gaadheen Trevoh Chalobah iyo Carney Chukwuemeka oo la filayay inay dib usoo noqdaan dhowaan.