Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Saxafiga RMC Sports ee Fabrice Hawkins ayaa shaaca ka qaaday hal xiddig oo aan cidina filayn oo Manchester City doonaysay in lagu daro heshiiska ay Paris Saint-Germain kaga iibin karto Bernardo Silva.
Foot Mercato ayaa isaguna horraantii toddobaadkan sheegay in PSG ay Man City u bandhigtay heshiis ay qayb ka yihiin Marco Verratti iyo Gianlugi Donnarumma balse ay City ku gacan saydhay.
La taliyaha ahna madaxa suuqa Paris ee Luis Campos ayaa bartilmaameed weyn ka dhigtay saxeexa Bernardo suuqa xagaagan.
Saxafi Hawkins ayaa haatan sheegaya in 28 sano jirka Portuguese-ka ahi uusan kasoo horjeedin aragtida ah inuu ka ciyaaro Paris balse uu marka hore doorbidayo horyaalka La Liga.
Haddaba, warbixinta ayaa intaas ku daraysa in City aysan doonayn Donnarumma iyo Verratti balse ay si lama filaan ah u dalbatay da’yarka 17 sano jirka PSG ee Warren Zairre-Emery.
Sida uu Hawkins sheegay codsiga Man City ayay diiday PSG oo aan doonayn inay iska bixiso Warren oo heshiiskiisa kooxda laba sano ka hadheen.