Waa sidee xaaladda dhaawac ee Bruno oo xabbad xabadka looga dhuftay?… (Kaad mooddo maaha Bruno)

0
171

Mid ka mid ah asaxaabtiisa ayaa rasaas laabta kaga dhuftay Bruno subaxnimadii Axadda, waxaa markaas loola cararay isbitaalka.

Kooxda Sporting Lisbon oo uu Tavares ka tirsan yahay ayaa u aragta inuu yahay mid mustaqbal wanaagsan leh, iyagoo heshiis shan sano ah ka saxiixatay bishii May.

Yeelkeede, warbaahinta gudaha Portugal ayaa warinaysa in Bruno Tavares uu geeri qarka u saaran yahay markii ay dhibaatadu soo gaartay isagoo Gaari kula jiray qaar ka mid ah asaxaabtiisa.

Waxaa la fahamsan yahay in mid ka mid ah asaxaabtiisa oo ay Baabuurka wada saarnaayeen uu bixiyey bastoolad ay rasaasi ku jirto, iyagoo ka dhiganaya wax ay isaga maadeystaan, waxaana la sheegay in rasaas aysan si ula kac ahayn uga dhacday bastooladda, taasoo laabta kaga dhacday Bruno Tavares.

18-sano jirkaan ayaa weli la sheegayaa inuu ku jirto Isbitaalka Magaalada Lisbon ee Garcia de Orta, halkaasoo ay noloshiisu u dhaxayso nolol iyo geeri, waxaana masuuliyaddiisa la wareegay shaqaalaha caafimaadka ee Kooxdiisa Sporting Lisbon.

Son Dakika Haberi | Portekiz'de genç oyuncu Bruno Tavares göğsünden  vuruldu! - Son Dakika Spor Haberleri

Si kastaba ha noqotee, warbixinnada ayaa sidoo kale tilmaamaya in saaxiibkii rasaasta ku dhuftay uu goobta isaga baxsaday oo uu halkaasi kaga cararay bastooladdii, Booliska ayaana weli ku raad-jooga kuna dadaalaya qaabkii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen ninkaasi aan magaciisa la shaacin.