Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona, Pedri, ayaa si cad u dhaliilay kooxdiisa kaddib guuldarradii 4-1 ee ay kala kulmeen Sevilla Axadii, ciyaar ka dhacday garoonka Ramon Sanchez-Pizjuan.
Kooxda uu hogaamiyo Hansi Flick ayaa si weyn loo dhibay, iyadoo goolka keliya ee ay dhaliyeen uu yimid dhamaadkii ciyaarta, waxaana u saxiixay Marcus Rashford.
Pedri, oo la hadlay saxaafadda kaddib ciyaarta, ayaa qirtay in Barcelona ay ku liidatay dhinacyo badan oo ciyaarta ah:
“Runtii, wax badan ayaan ka liidannay. Kubadda markii aan haysannay, ma aynaan garanayn sida aan u jebin lahayn cadaadiskii aan kala kulmeynay ciyaartoyda naga soo horjeedda. Difaac ahaanna tamar iyo firfircooni waanu ka maqnaannay,” ayuu yiri.
“Kooxdu si xun ayay u ciyaartay qeybtii hore. Ma xasuusto mar aan sidan u liidannay. Waa inaan nafteena runta u sheegnaa.”
Guuldarradan ayaa ka dhigtay in Barcelona ay hoos ugu dhacdo kaalinta labaad ee miiska LaLiga, iyagoo ka dambeeya hoggaamiyeyaasha Real Madrid.






