Waa Maxay Sababta Uu Cristiano Ronaldo Lugta Midig Ugu Soo Horreysiiyo Marka Uu Soo Gelayo Garoonka?

0
96

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo waxa mar kasta oo uu garoonka soo gelayo uu kusoo horreysiiyaa lugta midig, laakiin inta badan taageereyaashu lama socdaan khuraafaadka uu laacibkani aaminsan yahay ee uu sidan u sameeyo.

Cristiano Ronaldo oo ah ciyaartoyga goolasha ugu badan dhaliyey kubadda cagta xilli-ciyaareedkan, isla markaana 59 kulan oo uu u saftay Al-Nassr iyo xulkiisa u saxeexay 54 gool, ayaa lagu yaqaanaa inuu adeegsado dhaqanno xirfaddiisa ilaalinaya, kuwaas oo qaarkood ay yihiin khuraafaad uu aaminsan yahay.

Ka sokow in uu lugta midig kusoo horreysiiyo garoonka, waxa uu Cristiano Ronaldo ku istaagaa faraha hore ee lugihiisa isaga oo is-dheeraynaya marka ay ciyaartoydu gelayaan sawirrada.

Waxa kale oo jirta arrin kale oo uu sameeyo Cristiano Ronaldo oo ah in uu ciddiyaha suulashiisa lugaha uu mariyo midab madow ah.

Haddaba, sirta ka dambaysa in uu Ronaldo lugta midig kusoo galo ayaa lagu sheegay inay tahay dhaqan caan ka ah Portugal oo isticmaala erey ah ‘entra con a direita’ oo magacnaheedu yahay mar walba midigta kusoo gal.