Vinicius Jr oo Sameeyay Dhacdo Ka Cadheysiisay Xabi Alonso Kadib Markii Lagu Beddelay Rodrygo

0
33

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kulankii El Clásico ee ka dhacay garoonka Santiago Bernabéu, oo qayb ka ahaa wareegga tobnaad ee horyaalka La Liga, waxaa dhacay dhacdo soo jiidatay indhaha taageerayaasha kaddib markii tababare Xabi Alonso uu go’aansaday inuu beddelo xiddiga reer Brazil, Vinicius Junior, daqiiqaddii 72-aad, isaga oo Rodrigo ku beddelay booskiisa.

Kaamirooyinka garoonka ayaa qabtay sida uu Vinicius uga naxay go’aanka, iyadoo uu si cad u muujinayay caro iyo niyad-jab. Intii uu garoonka ka baxayay, xiddiga ayaan go’aansaday inuu iska indha tiro salaanta tababaraha, wuxuuna si toos ah u aaday dhanka qolka labiska, halkii uu fariisan lahaa kursiga kaydka.

Vinicius wuxuu soo bandhigay ciyaar heer sare ah intii uu ku jiray garoonka, taas oo sharaxaysa sababta uu uga caroodey beddelka uu sameeyay Xabi Alonso. Waxa la rumeysan yahay in ciyaaryahanku uu dareensanaa in uu weli wax badan ka caawin karo kooxda, isla markaana uu doonayay inuu sii wato bandhiggiisa wanaagsan ee kulanka.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin in Real Madrid ama tababaraha ay tallaabo ciqaabeed ka qaadi doonaan Vinicius, maadaama dhacdadu dhacday kulanka ugu weyn ee horyaalka, iyadoo kooxda laga rabo in si taxaddar leh loo maareeyo xaaladda si aysan u saameyn gudaha kooxda iyo jawiga qolka labiska.