UEFA Oo Shaacisay Waqtiga Iyo Goobta Lagu Ciyaarayo Finalka Champions League

0
82

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaciyey halka lagu qabanayo finalka Champions League ee xilli-ciyaareedka 2023/24 iyo taariikhda la ciyaari doono, waxaana farxad weyn ay usoo hoyatay kooxaha horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee koobka difaacanaya oo waddankooda lgu qaban doono.

Manchester City oo u dagaallamaysa in markii labaad oo xidhiidh ah ay ku guuleysato koobka, ayaa uu go’aanka  UEFA si gaar ah uga farxiyey, sababtoo ah waxa haddii ay finalka yimaaddaan ay heli doonaan taageereyaal ka badan intii hore sababtoo ah garoonka Wembley ayaa lagu ciyaari doonaa.

Real Madrid ayaa ah kooxda kaliya ee difaacatay horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League tan iyo intii dibu-habaynta lagu sameeyey sannadkii 1992kii, waxaana ay saddex jeer oo isku-xigtay ku guuleysteen sannadihii 2016, 2017 iyo 2018.

Manchester City ayaa doonaysa in ay raacdo raadkaas oo ay noqoto kooxdii labaad ee difaacata horyaalka ugu qiimaha badan Yurub.

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub hore ayuu usii qoondeeyey in Wembley uu noqonayo garoonka lagu ciyaarayo finalka, laakiin waxa la sugayay waqtiga sida taariikhda iyo maalinta, taas oo ay hadda UEFA xaqiijisay.