Trump oo wacad ku maray inuu cirib tiri doono Xamaas.

0
49

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in ay heshay haystayaal dheeraad ah oo ku sugnaa Qaza, taasoo qayb ka ahayd heshiis xabbad-joojin ah oo ay la gashay Xamaas.

Xafiiska raysal wasaaraha ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in “Laanqeyrta Cas ay ku wareejisay naxashka meydka la la’yahay ciidamada militariga Israel iyo Shin Bet oo ah adeegga amniga gudaha ee marinka Gaza.

Ciidanka iyo Shin Bet ayaa markii dambe xaqiijiyay in meydka lagu celiyay Israa’iil loona diri doono machadka qaranka ee si baaro loona aqoonsado.

Dhanka kale, madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in uu Xamaas cirib tiri doono hadii ay “jebiyaan heshiiska” marinka Qaza.

Trump ayaa wariyaasha u sheegay inay “heshiis la galeen galeen Xamaas, hadii ay fulin waayaanna, ay baa’bin doonaan”.