Trump oo su’aal galiyey rabitaanka nabadda ee Putin.

0
24

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Donald Trump ayaa su’aal galiyay rabitaanka Vladimir Putin ee ah in la soo afjaro dagaalka Ukraine ka dib markii uu la kulmay hogaamiyaha dalkaas Volodymyr Zelensky oo ay ka wada qeyb galeen aaska Pope Francis.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada markii uu ka baxay Rome, trump ayaa sheegay inuu ka baqayo in Putin uu “marin habaabinayo” ka dib markii Mosco ay duqaysay Kyiv horraantii toddobaadkan isaga oo intaa ku daray “ma jirto sabab uu Putin gantaallo ugu garaaco goobaha rayidka,”

Aqalka Cad ayaa kulanka dhexmaray Trump iyo Zelensky oo qaatay 15 daqiiqo ku tilmaamay “mid wax soo saar leh”. Madaxweynaha Ukraine, Zelensky, ayaa sheegay in kulankaasi uu “yahay mid taariikhi ah noqon kara”.

Wuxuu ahaa kulankii ugu horreeyey ee fool ka fool ah ee Trump la yeesho dhigiisa Ukriane Vladamir Zelensky tan iyo bishii Feebaraayo ee sannadkii hore markaas oo hadalo kulul ay is waydaarsadeen intii lagu guda jiray kulankoodii xafiiska Oval ee aqalka Cad.

Trump oo qoraal soo dhigay bartiisa Truth Social ayaa sheegay in weerarrada Ruushku ku qaaday magaalooyinka Ukraine ay ku rideen shaki, isagoo yiri: “Waxay igu keentay inaan u maleeyo in laga yaabo inuusan doonayn inuu dagaalka joojiyo, balse uu i khiyaanayo, waxaana laga yaabaa in si kale loola tacaalo—tusaale ahaan ‘Bangiyada’ ama ‘Cunaqabateyn labaad.

Trump ayaa horrey u sheegay in Ruushka iyo Ukraine ay “aad ugu dhow yihiin heshiis” ka dib wadahadal qaatay saddex saacadood Jimcihii oo dhexmaray ergaygiisa Steve Witkoff iyo madaxweynaha Ruushka.

Dhinaca kale, Kremlin-ka ayaa Sabtidii sheegay in Putin uu u xaqiijiyay Witkoff in Ruushku uu diyaar u yahay inuu si toos ah ula fariisto Ukraine si ay u wadahadlaan, “iyadoo aan wax shuruudo ah lagu sii xirayn”.

Kulankii Trump iyo Zelensky ee ka dhacay Rome ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee ay si fool ka fool ah u kulmaan tan iyo kulankii ay ku yeesheen Aqalka Cad, xilligaas oo Trump u sheegay Zelensky: “adigu ma haysato wax kaarar ah” isla markaana uusan dagaalka Ruushka kaga adkaanayn.