Trump oo sheegay in uu dhamaaday dagaalka Qaza iyadoo la filayo in la siidaayo maxaabiista Israa’iil

0
32

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu dagaalka Qaza “dhammaaday” isagoo u safraya Israel si loo sii daayo lahaystayaasha Israa’iil eek u xiran magaalada Qaza.

Xamas ayaa lagu wadaa inay wareejiso dhammaan Israa’iiliyiinta ku jira gacantooda, taas oo qeyb ka ah heshiiska xabad joojinta .

Dadweyne badan ayaa isugu soo baxaya magaalada Tel Aviv, iyagoo sugaya wararka ku saabsan sii deynta dadka la haysto.

Kooxda Falastiiniyiinta ah waxay haystaan ilaa 12:00 xilliga maxalliga ah, si ay u soo wareejiyaan 48 qof oo la haysto, kuwaasoo 20 ka mid ah la rumeysan yahay inay nool yihiin.

Dhanka kale, Israa’iil waxay sii deyn doontaa 250 maxbuus oo Falastiiniyiin ah iyo in ka badan 1,700 oo qof oo la xiray.

Trump ayaa la filayaa inuu gaaro Israel si uu ula kulmo Benjamin Netanyahu, wuxuuna sidoo kale khudbad ka jeedin doonaa baarlamaanka dalkaas.

Ka dibna wuxuu u ambabixi doonaa Masar si uu u martigeliyo shir madaxeed ku saabsan nabadda Bariga Dhexe, kaasoo ay sidoo kale ka soo qeyb geli doonaan hoggaamiyeyaal caalami ah oo uu ku jiro raysal wasaaraha Britain Keir Starmer.