Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, uga falceliyay bayaankii dhawaan Xamas kasoo baxay ee ku saabsanaa qorshihiisa nabadeed ee Qasa.
Bayaankaas oo ay Xamas ku muujisay inay oggolaan karto si shuruudaysan sii deynta dhammaan maxaabiista Israa’iil, haddii dagaalka la joojiyo lagana saaro ciidamada Israa’iil dhulka Qasa.
Trump ayaa qoraalkiisa ku yiri:”Marka la eego bayaanka hadda Xamas soo saartay, waxaan aaminsanahay inay diyaar u yihiin NABAD waarta. Israa’iil waa inay isla markiiba joojisaa duqeynta Qasa, si aan maxaabiista si nabad ah oo degdeg ah ugu soo saari karno! Hadda, xaaladdu aad bay khatar u tahay in la sameeyo sidaas. Wadahadallo faahfaahsan oo arrintan ku saabsan waan wadnaa. Tani kaliya Qasa kuma saabsana, waa nabad muddo dheer laga sugayay Bariga Dhexe.”
Qoraalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Trump uu horay u dejiyay waqti kama dambeys ah oo uu Xamaas ugu sheegay inay aqbalaan qorshihiisa nabadeed.






