Trump oo ammaanay xiriirka kala dhaxeeya Uk xilli uu booqasho ku jooga halkaa

0
57

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Donald Trump ayaa booqashadiisii labaad oo rasmi ah ku jooga Britain isagoo ah madaxweynaha Maraykanka. Markii uu tagay hoyga safiirka Maraykanka ee London, wuxuu sheegay in UK ay tahay meel weyn oo qalbigiisu uu ku diirsado.

Arbacada maanta ah Boqor Charles ayaa martigelin doona Mr. Trump casho Sharaf heer qaran ah ayaana ka dhici doonta Windsor Castle, waxaana jiri doona dabaal-deg milatari oo aan caadi ahayn iyo gaadiid boqortooyo oo uu raacayo.

Dowladda Britain waxay shaacisay heshiis ay la gashay shirkado waaweyn oo tignoolajiyada Mareykanka ah, oo ay ku jiraan Microsoft, NVIDIA iyo Google, si ay ugu maalgeliyaan dhaqaale gaaraya 42 bilyan oo lagu horumarinayo AI-ga, iyo tignoolajiyada nukliyeerka.