Tirada Dadka Ku Geeriyooday Dhulgariir Ka Dhacay Afghanistaan oo Sare U kacday

0
291

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tirada dadka ku geeriyooday laba dhulgariir oo is xigay oo Isniintii ka dhacay galbeedka Afghanistan ayaa lagu soo warramayaa in ay haatan cagacageyneyso 26 qof.

Dadka geeriyooday ayaa la soo warinayaa in ay ku jiraan 5 haween ah iyo 4 carruur halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen

Sida laga soo xigtey hey’adda saadaasha hawada ee Mareykanka, dhulgariirku wuxuu gaarayey cabirkiisu 4.9 illaa iyo 5.3. Wuxuu saameeyey gobolka waqooyi galbeed ee Badghis, taasoo sababtey iney dumaan guryo iyo dhismayaal waaweyn.

Ilaa 700 oo guri ayaa lagu soo warramayaa in uu dhulgariirkaasi burburiyay. Dhulgariirku wuxuu burbur u geysan karaa Afghanistan, halkaasoo aan guryo badan aan si habboon loo dhisin.

Dhulgariirka ayaa ka dhacay xadka dalka Afghanista uu la adaago dalka Turkmanistan.

2015 kii ayay ahayd markii dhulgariir cabbirkiisu ahaa 7.5 uu ka dhacay dalkaas kaas oo sababay geerida 200 oo qof sidoo kalena tiro dad ah ku dilay dalka Bakistaan ee la deriska ah.