(Lisbon) 24 Agoosto 2020. Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Thomas Tuchel ayaa sharaxay sababta ka dambeysay guuldarradii ay kala kulmeen Bayern Munich kulankii xalay ee finalka Champions League.
Bayern Munich ayaa markeedii LIXAAD ee taariikhda ku guuleysatay koobka Champions League, kaddib markii ay guul dirqi ah kaga qaaday kooxda Paris Saint-Germain 0-1, kulankii fiinalka ahaa ee ka dhacay garoonka The Estadio da Luz.
Shabakada “BBC” ayaa waxay shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay macalinka kooxda Paris Saint-Germain ee Thomas Tuchel, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:
“Dagaal weyn oo dhex maray laba kooxood oo awood leh, labada kooxood waxay ahaayeen kuwo isku mid ah, Bayern waxay kubadda u xakameysay si weyn”.
“Waxaa jiray waqtiyo aad u khatar badnaa ee dhankeen ah, iyo labo fursadood oo aan goolal ku dhalin gaarnay”.
“Ka hor ciyaarta waxaan dareemay in goolka koowaad uu go’aamin karo kulankan, waa wax laga xumaado inaanan awoodi weynay inaan taas sameyno, haddii aan sameyn laheyn arrintaas waxaa ku adkaan laheyn inay soo laabtaan si ay natiijada dhinaca kale ugu dhigaan”.
“Waxaan u baahneyn xoojintaas, malaha 1-0 ayaa nagu filneyd, si aan u muujino tayo, waxaa macquul ah in la ciyaaro isla kulankan oo kale mar labaad oo aad ku guuleysato 1-0, marka sideed u sheegan kartaa inaad wax ku ool tahay? Ma awoodid”.
“Ma nihin nooca koox u ciyaareysa goolal la’aan sida caadiga ah, waxaan soo bandhignay dagaal weyn, laakiin waxay dhaliyeen goolka koowaad taasna waxay ahayd go’aan qaadasho, waxaan sameynay labo isbadel oo maskaxdeena ah, balse xoogaa waxa layaabka leh ayaa ahaa in Kingsley Coman uu ku soo bilaawday shaxda”.
“Heerkan waa lama huraan, waxaan mar kale tusnay inaan la tartami karno kooxaha ugu fiican Yurub xagga maskaxda iyo dabeecadan, oo ay weheliso kartideena, waxaan nahay koox adag, waan ku faani karnaa arintaas, kama walwaleyno wax badan sababtoo ah waan fiicanahay waana fiicanahay waan sii wadi doonaa shaqada”.
Gool FM.