Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Thiago Alcantara ayaan wax khayaali ah ku jirin in Barcelona ay ka mid tahay kooxaha ugu cad cad ee ku guulaysan kara Champions League ka hor kulanka ay wareega 8 dhamaadka la ciyaari doonaan Dortmund.
Kooxda Hansi Flick ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad ee wareega group-yada ka dibna waxay garaacday Benfica wareega 16ka si ay taariikhda ugu dhigaan kooxda Bundesliga ka dhisan.
Dhanka kale kooxda ugu cadcad ee Liverpool ayaa laga soo reebay PSG, wuxuuna Thiago qabaa in Barca ay hadda tahay kooxda ku guuleysan karta tartanka.
“Barça, shaki la’aan, waa mid ka mid ah kuwa ugu cadcad ku guuleysiga Champions League, xaqiiqooyinka ayaa cadeynaya,” ayuu u sheegay Sport.