Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Graham Potter ayaa lagu waramayaa inuu iska diiday fursad uu shaqada tababare dib ugu soo laaban lahaa ka dib dalab uga yimid dalka Faransiiska.
Potter oo ay ceyrisay Chelsea bishii April ayaa la sheegay inuu qarka u saarnaa inuu kooxda Lyon ka bedelo tababare Laurent Blanck kaasoo cadaadis weyn ku hoos jira madaama Lyon ay ku jirto kaalinta ugu hooseysa Ligue 1.
Sida ay sheegtay jariirada The Athletic, milkiilaha kooxda Lyon, John Textor ayaa ka dalbaday Graham Potter inuu noqdo bedelka Blanc. Tababarihii hore ee Brighton ayaa markii hore shaqada u arkya mid soo jiidasho leh ka hor inta uusan go’aansanin inaan la joogin waqtigii saxda ahaa ee uu ku soo laaban lahaa shaqada tababare.
Ka dib guuldaradii 4-1 ee ka soo gaartay Paris Saint-Germain todobaadkii hore, waxaa ciyaartoyda Lyon garoonka ku dhex canaantay taageerayaashooda.
Mid ka mid ah hogaamiyayaasha taageerayaasha mayalka adag ee kooxda ee Les Bad Gones ayaa mikarafoon kula hadlay ciyaartoyda kuna canaantay inay ceebeeyeen taariikhda kooxda.