Tababar ku saabsan ka qeyb qaadashada Haweenka ee Siyaasadda oo ka dhacay Kismaayo.

0
73

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Haweenka iyo xaquuqul Insaanka Jubbaland ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qabatay tababar ku daabsan sidii ay Haweenka u noqon lahaayeen hogaamiyayaal ka qeyb qaata siyaasada nabada iyo go’aan qaadashada.

Tababarkan oo socon doono muda 3 maalin ah islamarkaana loo qabatay midowga Haweenka Jubbaland ayaa looga goleeyahay in la dhiso awooda dumarka si ay ugu qeyb qaataan nabad dhiska dalka xasilinta iyo maaraynta khilaafaadka.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo xaquuqul Insaanka Jubbaland Cadar Ismaaciil Cabdullahi ayaa tilmaantay muhiimada Tababarkan u leeyahay Haweenka Jubbaland.

Maxamed Cali Samow.ayaa kawaramaya