Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo Wefdi uu hogaaminaayo ayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeybgalay Shir looga hadlaayay la dagaalanka Socdaalka Sharci darada, Tahriibka iyo ka Ganacsiga Dadka.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalay Agaasimayaasha Guud ee Socdaalka Wadamada Bariga iyo Geeska Afrika oo ay ugu horeeyaan Wadamada Xuduudda la wadaaga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wefdiga Agaasimaha Guud ee Shirkaan ka qeybgalay waxaa qeyb ka ahaa Lataliyaha Sare ee Hay’adda Jinsiyadaha & Socdaalka Mahad Cabdi iyo Agaasimaha Waaxda Maareynta Xuduudaha Marwo Fahmo Xasan.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo shirka ka hadlay ayaa bogaadiyay Shirkaan oo ahaa midkii ugu horeeyay oo noociisa ah isla markaana soo jeediyay in shirarka looga arinsanaayo Socdaalada Sharci darada ah la joogteeyo si ay isaga kaashadaan Wadamada Geeska Afrika la dagaalanka Tahriibka, Socdaalka Sharci darada ah iyo ka ganacsiga dadka, loona xoojiyo Wadashaqeynta ka dhaxeysa Wadamadii ka soo qeybgalay shirka.
Ugu dambeyn wadamada Bariga iyo Geeska Afrika ayaa wadaan dadaalo looga hortagayo Socdaalka sharci darada ah iyadoo Hay’adaha Socdaalka wadamada Geeska Afrika ay tahay in qaataan dowrkooda arintaan ku aadan isla markaana ay yeeshaan iskaashi la xiriira dhinaca Socdaalka.