Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya ayaa ka wadahadlay kordhintay kootada Soomaaliya ee Xajka, taas oo hadda ah 11,500, sida uu warbaahinta dowladda u sheegay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda Federaalka Mukhtaar Rooboow.
Wadahadalladan ayaa Sacuudiga ku dhexmaray Wasiirka Xajka iyo Cumarad ee Sacuudiga Tawfig AlRabiah iyo wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Diinta Soomaaliya Mukhtaar Rooboow.
“Waxaan u sheegay in kootada Soomaaliya la siiyo oo 11,500 ah inaysan ku filneyn Soomaaliya” ayuu yiri Rooboow oo intaas raaciyay “Waxaan u sheegay inaysan sax aheyn tirakoobka sheegaya in Soomaalidu ay tahay 12-ka milyan ah”
Rooboow ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in dadka Soomaaliyeed ay ka badan yihiin 12 milyan, isaga oo tusaalo u soo qaadanaya qoyskiisa ayuu yiri “Soomaalida tirakoob loo sameeyo kii ugu dambeeyay wuxuu ahaa 1984, xilligaas oo 8 milyan lagu sheegay.
Waxaan ku iri aabbahey xilligaas 11-12 cunug ayuu heystay. Maanta reer Rooboow 100 way dhaafeen oo boqolkii labaad ayay tirsanayaan, qoys kastana sidaad ayuu u tarmay”
Rooboow ayaa sheegay wasiirka Xajka ee Sacuudigu uu soo dhaweeyay codsiga Soomaaliya.
Wasiir Rooboow ayaa sidoo kale sheegay inuu dowladda Sacuudiga kala hadlay in ay diyaaraddoodu duullimaad ka biloowdo Soomaaliya, maadaama nabadda Soomaaliya ay soo hagaageyso.
“Waxaan u sheegnay in nabadda Soomaaliya ay soo hagaagtay oo ay tagaan diyaaradaha caalamiga ah sida Qatar Airways, Turkish, Dubai, Kenya iyo Ethiopia Airlines” ayuu yiri Rooboow.
Dhinaca kale waxa uu sheegay in adeegyada la siiyo xujeyda Soomaaliya ay sannadkan ‘wax weyn’ iska bedeleen.