Soomaaliya iyo Rwanda oo heshiis kala saxiixday.

0
240

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaloya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa dhiggiisa dalka Rwanda Mudane Vincent Biruta, la saxiixday Heshiis Is-afgarad ah oo dhinac socday Shirweynaha Midowga Afrika ee ka dhacaya magaalada Addis Ababa.

Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa ku saabsan horumarinta iskaashiga labada dowladood iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga, sayniska, farsamada iyo iskaashiga dhaqanka.

Saxiixa Heshiiskan Is-afgaradka ah ee cusub ayaa saldhig u noqon doona xiriir qotodheer oo dhex mara Soomaaliya iyo Rwanda, kaas oo ku qotoma wax wada qabsiga iyo danaha labada shacab iyo labada dowladood ee saaxiibbada ah.