Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Madaxda maamul goboleedyada ayaa ka qeybgalay Furitaanka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran oo Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.
Shirka oo uu shir guddoominayey R’iisul Wasaare Rooble waxa lagaga hadli doonaa diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa.
Waxaa sidoo kale lagu waddaa in looga hadlo xalinta khilaafka ka taagan guddiga doorashada gobolada Waqooyi.