Shir looga hadlayay sidii siyaasad qaran looga yeelan lahaa arrimaha tahriibka oo lagu qabtay Muqdisho

0
62

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay Xafiiska Ergayga gaarka ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Muhaajiriinta, Soogalootiga, iyo Xuquuqda Carruurta loogana hadlayay in siyaasad Qaran laga yeesho yareynta Tahriibta iyo sidii dib loogu soo celin lahaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Wadamada Caalamka ee doonaya in ay Dalka dib ugu soo laabtaan waxaa ka qeyb galay Wasiirada ay quseyso arintani iyo sido kale Marti Sharaf kale oo lagu casuumay Shirka.

Ergayga gaarka ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arimaha Qaxootiga Marwo Maryan Xaaji Yaasiin Yuusuf ayaa Masuuliyiinta Shirka ka qeyb gashay uga warbixisay waxyaabihii u soo qabsoomay Xafiiska iyo xog aruurin ay sameeyeen oo ku aadan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Tahriibta ku galay Wadamada Caalamka ee ku dhibaateysan qaarkood iyo kuwa doonaya in ay Dalka dib ugu soo laabtaan.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya