Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiir dowlaha wasaarada, hidaha iyo tacliinta sare ee dalka Nuura Mustaf Mukhtaar, Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, Mr. Wang Yu iyo Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof. Xasan Cusmaan Gacal ayaa si wadajir ah u daahfuray deeqda Waxbarasho ee barnaamijka saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha. Munaasabadda daahfurka ayaa ka dhacday xarunta km4 ee Jaamacadda, waxaana goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socday dowladda, kulliyadaha Jaamacadda, iyo safaarada Shiinaha ee Soomaaliya.
Barnaamijkan ayaa ujeedkiisu ahaa in ardayda Soomaaliyeed ay helaan deeqda waxbarasho oo ay bixiso dowladda Shiinaha iyaga oo jooga dalka, taasoo fursad u siinaysa inay helaan waxbarasho tayo leh iyo inay kor u qaadaan aqoontooda. Deeqda Waxbarasho ayaa la siiyay 50 arday oo ka mid ah kuwa ugu sareeya Imtixaanka soo gelida Jaamacadda sanad-waxbarashada 2024-2025 ee kulliyadaha Jaamacadda.